Fahanka Kaarbon hay daraytka
Sida gaari ugu baahanyahay nooca ku haboon ee shidaalka lagu socdo, waxaad u baahantahay nooca ku haboon cuntada lagu shaqeeyo. Si aad kor ugu heysid heerka tamartaada, jirkaaga wuxuu u baahanyahay cunto leh kaarbon haydarayt (kaarboon hay daraytyo). Laakiin kaarbon haydaraytka waxay kicisaa heerarka sonkorta sare oo ka degdeg badan noocyada kale ee cuntada. Khabiirkaaga cuntada ayaa kaala shaqeynayo inaad ogaatid tirada kaarboon haydaraytka aad u baahantahay. Kaarboon haydaraytka waxay ku yimaadaan 3 noocyo: buddada cuntada, sonkorta, iyo faybarka.
Budadad cuntada
Buddada cuntada waxaa laga helaa badarka, qudaarta qaar, iyo digirta. Badeecooyinka badarka oo ay ku jiraan rootiga, baastada, badarka, iyo jabaati. Qudaarta budadada waxaa ka mid ah baradhada, digirta, galeyda, digirta weyn, bataati, iyo bocor. Digirka kelida midabka ah leh, digirta beebeesheeda, digirta madow, digirta garbanzo, iyo digirta misirta ayaa sidoo kale leh buddo.

Sonkorta
Sonkorta waxaa dabiici ahaan looga helaa cuntooyin badan. Ama waa lagu dari karaa. Cuntooyinka wato sonkorta dabiiciga ah waxaa ka mid ah miraha iyo juuska miraha, waxyaabaha caanaha, malabka, iyo sharoobada. Sonkorta lagu daray waxaa laga helaa macmacaanada ugu badan, cuntooyinka warshadeysan, nanac, soodhada caadiga ah, iyo miraha iyo cabitaanada miraha. Kuwaan aad ayay waxtar ugu leeyihiin in laga daaweeyo dhiiga sonkorta hoose (sonkorta hoose). Waxay sonkor ku siiyeen si degdega. Isku day ugu yaraan 15 illaa 20 garaamo oo sonkortan fudud oo waqtiyadoo dhan. Cun oo cab kuwan haddii aad bilowdo lahaanshaha astaamaha sonkorta yar ee dhiiga.
Faybarka
Faybarka wuxuu ka yimaadaa cuntooyinka dhirta. Jirkaaga ma shiidi karo faybarka badankood. Bedelka sara u qaadka heerarka sonkorta dhiiga sida kaarboon haydaaytkaa kale, faybarka wuxuu joojiyaa sonkorta dhiiga ee u kacayo si dhaqso ah. Faybarka waxaa laha helaa khudrada, khudaarta, miraha isku xidhan, digirta, shumburada, iyo midho kale oo badan.
Fahamka sida loo tiriyo kaarboon haydaraytka
La soco cadadka kaarboon haydaraytka aad cuntid. Tan waxay kaa caawin kartaa inaad joogteysid dheelitirka saxda ah ee kaarboonka, howsha jireed, iyo daawada. Cadadka kaarboon haydaraytka ee aad u baahantahay way ka duwanaaneysaa waxa dadka kale u baahanyihiin. Nta aad u baahantahay waxay ku xirantahay waxyaabo badan. Kuwaan waxaa ku jiro caafimaadkaaga, daawooyinka aad qaadato, iyo sida aad u firfircoon tahay. Kooxda daryeelkaaga caafimaad ayaa kaa caawinayo ogaanshaha cadadka kaarboon haydaraytka kugu haboon. Waxaad ku bilaabi kartaa 45 illaa 60 garaamo ee kaarboon haydaraytka cuntadiiba, waxay ku xirantahay dacwadaada. Tirinta kaarboonka waa nidaam kaa caawiyo la socodka kaarboon haydaraytka aad cuneysid cunto walba.
Kaarboon haydaraytka waxay ka imaadaan cuntooyin badan. Kuwaan waxaan ka mid ah badarka, budada qudaarta, miraha, caanaha, digirta, iyo cuntada fudud. Waxaad midkood xisaabin kartaa garaamyada kaarbonka ama qaadashooyinka kaarbonka. Markii aad tiriso qaadashada kaarboon haydaraydka, 1 qaadasho kaarboon haydarayt = 15 garaam oo kaarboon haydarayt ah.
Halkan waa qaar ka mid ah tusaalooyinka cuntooyinka leh qiyaastii 15 garaamo oo kaarboon haydaryt ah (1 qaadashada kaarboon):
-
1/2 koob ee miraha gasacadeysan ama barafeysan
-
Qeyb yar oo miro cusub (4 waqiyadood)
-
1 gabal rooti ah
-
1/2 koob mishaari ah
-
1/3 koob bariis ah
-
4 illaa 6 buskudyo
-
1/2 Rooti shaaxid ah
-
1/2 koob oo digirta madow
-
1/4 ee barashada duban ee weyn (3 waqiyadood)
-
2/3 koob oo yoogadka aan dufanta laheyn
-
1 koob oo maraq
-
1/2 koob oo baasto alfoorno
-
6 gabalo digaaga nagadka
-
2-inji doolshada baroonka ama doolshada aan laheyn kareemka
-
2 gabalo buskud
-
1/2 koob jalaato ama jalaato kareem
Xisaabinta kaarboon haydaraytka way sahlantahay markii qoraalada cuntada la heli karo. Fiiri qoraalka si aad u aragtid inta garaamo oo wadarta kaarbon haydaraytka qaadashadiiba cuntada ku jirto. Kadib waad ogaan kartaa inta ah inaad cuntid. Haddii cuntadaada aysan laheyn qoraalka nafaqada, waa inay kuu suurtogashaa inaad fikrad ka heshid inta kaarboon haydaraytka ee ku jirto qaadashadiiba adoo isticmaalayo buug ama websayd.
Labo leen muhiim ah ee laga fiiriyo qoraalka waa cabirka qaadashada iyo wadarta cadadka kaarboon haydaraytka qaadashadiiba. Halkan waa tallooyinka qaar ee lagu isticmaalo qoraalada cuntada ee lagu xisaabiyo kaarboonkaaga:
-
Fiiri cabirka qaadashada. Warbixinta ku qoran qoraalka waxay ku saleysantahay cabirka qaadashada. Haddii aad cuntid wax ka badan cabirka qaadashada qoran, waxaa laga yaabaa inaad laba jibaarto ama sadex jibaarto warbixinta kale ee qoraalka ku qoran.
-
Hubi wadarta garaamyada kaarboonka. Wadarta kaarboon haydaraytka ee qoraalka waxaa ka mid ah sonkorta, buddada cuntada, iyo faybarka. Hubso inaad isticmaashid lambarka kaarboon haydaraytka guud (laga jaray faybarka) iyo aan aheyn sonkorta kaligeed.
-
Ogow inta garaamo oo kaarboon haydarayt ah ee aad qaadan kartid. Si wanaagsan u garo isku hagaajinta cabirka qaybta.
-
Isbarbardhiga qoraalada. Isbarbardhig qoraalada badeecooyinka kala duwan. Fiiri cabirada qaadashada iyo wadarta kaarboonka si loo helo badeecooyinka sida fiican kugu shaqeyso.
-
Ha iloobin borutiinka iyo dufanta. Iyo diirada xisaabinta kaarboon haydaraytka, way fududaan kartaa in la iloobo oo dufanta cuntooyinkaaga. Ha iloobin inaad ku dartid illaha boritiinka iyo dufan caafimaadan oo lagu dheelitiro cuntooyinkaaga. Sidoo kale daawo inta cusbo ah (milix) ee aad cuntid. Tan waa run gaar ah haddii aad qabtid cadaadiska dhiiga sareeyo. Haddii aad qabtid sonkorow, xadee cadadka milixda ee wax ka yar 2,300 mg maalinkii.

Sidoo kale waa muhiim in la waafaqsanaado cadadka kaarbon haydaraytka iyo waqtiga aad cuntid markii aad qaadaneysid garoojo go'an oo daawada sonkorowga. La shaqeey adeeg bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama khabiirka cuntada haddii aad u baahantahay caawin badan. Waxay kaa caawin karaan inaad la socotid kaarboon haydaraytkaaga. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan inaad ogaatid inta garaamo oo kaarboon haydarayrka ah ee aad qaadanayso.